orgi
(m.l) (-iyo, m.dh)Laboodka aricadka.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh orgi ↴
orgeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Ri' wax orgi u baahan ahaansho.
orgeysguur [m.l]
Waayidda uu sac ama ri' orgeysani waayo dibi ama orgi kuda (booda).
ahmin [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Ariga intiisa shilis oo la suuq geyn karo. 2. Orgida iyo wananka dhufaanan ee beeca ama hilib loogu talagalay. ld ahmi.
cisal [m.l]
1. (-llo, m.dh) Xubnaha taranta labka ee dibiga, wanka, orgiga iwm. 2. Caws yaryar oo dhaqso u soo baxa marka roob ku da'o.
coobil [m.l]
C. ah: orgi si dhaqsa ah aan u dareemin astamaha orgoodka rida.
dhoolaal [m.l]
Dh. ah: orgi ama dibi doolaalo tagay.
dhoolaal [m.dh]
Doolaalada orgiga ama dibigu sameeyaan.
funnay [m.l]
Dibi, orgi, wan, fool xun oo aan qoodh ahayn.
giir [m.l]
1. Madow iyo caddaan si isle'eg isuga jira; jiir. 2. Dhogor dhaadheer oo orgida, dameeraha, biciidka iwm tunkooda ka baxda. 3. Wejitub; biriir; u furuqdhoo.
or [m.l] (orar, m.l)
Cod wada jir ah oo dad meel fog jooga ka yeera.
or [m.l] (orar, m.l)
1. Dhar; maro. 2. Calal. 3. Bulka cawsa meyrada.