orraxee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-xeeyay, -xeysay)

ld qorraxee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh orraxee

kaah-qorraxeed [m.l]
(fiis.) Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.

maalin-qorraxeed [m.dh] (-lmo ..., m.l)
(c.fal.) Celceliska dhererka maalin cadceed, oo le'eg 86,400 ilbidhiqsi - 24 ka saac ama maalinta oogga waqtiga.

barqorraxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.

if-qorraxeed [m.l]
(ifaf ..., m.l) (fiis.) Iftiinka toos uga yimaadda qorraxda, kaasoo suurtageliya in la arko waxyaalaha dhulka oogadiisa ah. Wuxuu ka koobanyahay qeybta kaah cadceedeedka ee leh dherer mowjadeedka ee u dhexeeya kuwa cas iyo iftiinka casuusta.

majiire-qorraxeed durugsan [m.l] (-yaal ..., m.l/dh)
(c.fal.) Barta ugu fog ee uu maro meere marka loo eego qorraxda. Marka uu dhulka ugu fogyahay wuxuu qorraxda u jiraa 94.5 milyan oo mayl.

qorraxee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-xeeyay, -xaysay)
Wax qorrax u dhigid.

tamar-qorraxeed [m.dh]
(fiis.) Tamar birlabdanabeedka ka soo kaahda qorraxda.

tub qorraxeed [m.l] (-bbo ..., m.l)
Jidka qorraxdu ay u muuqanayso inay marayso.

orrax [m.dh]
ld qorrax.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg