orri
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)ld ori.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh orri ↴
waabis [m.l]
Xeelad la rabo in ugaarta la isugu keeno meel lagu hodayo, iyadoo lagu orrinayo.
baramboorri [m.dh]
Neef geel ama lo'ah da'yar, oo buuran.
boorri [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ku b.: cid hawl qabashadeda ku guubaabin.
boorrin [m.f.dh]
eeg boorri.
carcoorri [m.dh]
Bawdaqaawis been ah; garmaame.
carcoorri [Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
Bowdaqaawis samayn; garmaamayn.
carcoorrin [m.dh]
ld caarcooriyid.
carcoorriyid [m.f.dh]
eeg carcoorri². ld carcoorrin.
darandoorri [m.l]
1. Nooc ciyaarsiiska ka mid ah oo uu qofka taagani si aan kala go'lahayn cagaha dhulka ula dhaco. 2. D. ah: fal aan si kala go'lahayn u dhaca. 3. dl. darandoorriyid.
darandoorri [f.g/mg1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. (f.g) Neef geel ah, laba nin hal mar si dhaqso leh u wada lisid. 2. (f.g) Rasaas iwm si aan kala go'lahayn u ridid. 3. (f.mg) Si isdabajoog ah cagaha dhulka ula dhicid.
or [m.l] (orar, m.l)
Cod wada jir ah oo dad meel fog jooga ka yeera.
or [m.l] (orar, m.l)
1. Dhar; maro. 2. Calal. 3. Bulka cawsa meyrada.