qaado
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-aatay, -aadatay)

1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaado

taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid

saab [m.l] (-bab, m.l)
1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye. taliye

baabbaco [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado. baabbacayn, calaacal, sacab

idanqaado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
Wax sameyntoodu fasax u qaadasho.

kaadidhiig [m.l]
Cudur dadka ku dhaca oo laga qaado biyaha wasakhda ah ee fadhiya, kaadidana dhiig ka dhiga.

kaalori [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
(fiis.) K. halbeeg. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu heerkulka 1 garaam oo biyo ah kor u qaado 1° C (1° K). Halbeegga kaalori beryahan looma adeegsado xisaabinta fisikaad, waxana la qaataa Juul. 1 kaalori =4.1868 juul.

olko [m.dh]
Luuq macaan oo heesaha iwm lagu qaado.

ooriyo [m.dh]
Hanti ganaax ahaan looga qaado nin mehersaday gabadh nin kale u dooneyd.

qaadasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg