qaafiyad
(m.dh)ld qaafiyo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaafiyad ↴
maahmaah [m.dh] (-ho, m.l)
Erayo kooban, qaafiyad leh, oo sheegaya murti waayo-aragnimo xambaarsan. ld maahmaahyo.
qaafiyo [m.dh]
Xarafka ay ku socoto maansada. ld qaafiyad.
deelqaaf [m.l]
1. Ka leexashada qaafiyad maanso ku socotay laga leexdo. 2. D. ah: Hadal meesha laga sheegayo aan ku habboonayn ama gef ah. 3. Labo waxyaalood oo aan isu dhoweyn isu keenid.
deelqaafi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iaya, -isay)
Ka d.: maanso qaafiyaddeeda gefid.
gabay [m.l] (-yo, m.dh)
Nooc maansada ka mid ah oo leh qaafiyad, luuq iwm oo aan muusig loo tumin.
tix [m.dh]
1. Ereyo qaafiyad iyo miisaan leh. 2. Gabay dhowr beyd ka kooban.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg