qaal
(m.dh)

1. Laamaha cardunka ah ee ka soo baxa dhir roob ku da'ay. 2. Dhegaha ariga. 3. ld qaali.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaal

xaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Xaabo cunid (nafley). 2. Wax qaali ah ama wax aan qaali ahayn, urursasho. 3. Wax ururin. 4. Qashin iyo wax u eg cunid.

yaaquud [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.

qaaddi [m.l]
ld qaalli.

qaalaamarogad [m.l]
ld qaalmarrogasho.

qaalaamarrogasho [m.dh]
ld qaalmarrogasho.

qaalaamarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
ld qaalmarrogo.

qaalalyo [m.dh]
Caloosha oo kacda ama dacaroota oo sida wax laqanyaysan ay xooluhu la noqdaan, marka ay cunto ama biyo iska badshaan.

qaalalyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Qaalalyo ku dhicid (xoolo). ld qaalalyow.

qaalalyoobid [m.dh]
ld qaalalyood.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg