qaalalyo
(m.dh)

Caloosha oo kacda ama dacaroota oo sida wax laqanyaysan ay xooluhu la noqdaan, marka ay cunto ama biyo iska badshaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaalalyo

qaalalyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Qaalalyo ku dhicid (xoolo). ld qaalalyow.

qaalalyoobid [m.dh]
ld qaalalyood.

qaalalyood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg qaalalyoo. ld qaalalyoobid.

qaalalyow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
ld qaalalyoo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg