qaalib
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

Sida qaalibka ah: sida loo badan yahay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaalib

dolmayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(jool.) Macdan ku dhow ili-ka-gudubtay oo ka kooban kaarboonayt laba luxdan oo ah kaalshiyam iyo magniisiyam; amase waa dhadhaab sida qaalibka ah loo yaqaan magniisiyam-dhagax nuuradeed oo macdantu tahay qaybta ugu mudan.

kasoobbax [m.l] (-xyo, m.l)
(daaw.) Nabar sida qaalibka ah ka weyn kasoobax kuna oolli kara jirka sare iyo uurkujirtadaba.

sarqaalibasho [m.f.dh]
eeg sarqaalibo.

sarqaalibo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
Wax, wax kale moodid ama u qaadasho.

qaal [m.dh]
1. Laamaha cardunka ah ee ka soo baxa dhir roob ku da'ay. 2. Dhegaha ariga. 3. ld qaali.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg