qaalin
(m.l) (-immo, m.l)

Neef geel oo lab ah oo aan da'dii rarashada weli gaarin.

qaalin
(m.dh) (-lmo, m.l)

Neef geel ama lo' ah oo aan weli gaarin da'dii curashada.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaalin

tabsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Sac ama qaalin lo'aad wax boodid u baahan ahaansho.

abasaxi [m.l]
1. Baahida ay hal ama qaalin geel ahi u qabto abaahi. 2. A. ah: hal ama qaalin geel oo u baahan abaahi.

abeer [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. ld ameer.

guumis [m.l] (-syo, m.dh)
Rati qaalin ugubi ku curatay. ld guubis.

maqaalin [m.dh] (-no, m.l)
Bir af qoroofan oo xagga dambe dalool ku leh oo mallaayga lagu dabo.

qalqaalin [m.f.dh]
eeg qalqaali. ld qalqaalis, qalqaalo (1).

qurbac [m.l]
Awr yar oo da'diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin.

xariir [m.dh]
1. Dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. 2. (-ryo, m.dh) Summad idaha dhegaha looga dhigo oo labo alif ah.

qaal [m.dh]
1. Laamaha cardunka ah ee ka soo baxa dhir roob ku da'ay. 2. Dhegaha ariga. 3. ld qaali.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg