qaanso
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Qalab ka samaysan ul iyo wax la mid ah, oo lagu nadoocshay xarig labada af lagaga xiray, oo leebka iyo gammuunka laga gano. 2. Summad loo adeegsado ah hadalka ama codadka intooda kale, sababa kala duwan awgooda: qaansooyin deriley: {}; qaansooyin geesaley: []; qaansooyin bileed: ().

qaanso
(m.dh) (-ooyin, m.l)

(xis.) Qayb ka mid ah xood is-haysta. Haddii meeriska goobo ama xoodad kale oo oodan loo qaybiyo labaqaybood oo aan isle'ekeyn, labada qaanso midda dheer waa qaanso weyn, midda gaabanna waa qaanso yar. Labadooda waxa ay sammeeyaan lammaane qaansooyin oo xisti ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaanso

laabtuurle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(jool.) Muuqaal dhuleed qaanso u eg oo ka dhasha isa soo cadaadinta dhagxaanta dhulka hostiisa.

qaansaley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Colka intiisa qaansada ku dagaalanta. ld qaansoley.

qaansoley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
ld qaansaley.

qaansoole [m.l]
(bot.) Nooc geedgaabka ka mid ah oo baxsha laamo kor u baxa oo soo qalloocda, qaabka qaansada yeesha, kana baxa cadduunka.

dhig [m.dh] (-go, m.l)
1. Ulo dhaadheer, jil iskula duuban, qaab qaanso leh oo aqal soomaaliga lagu dhiso. 2. Summad geela lagu dhigo oo leh qaab dhig hoos u jeedda.

fallaar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Bir yar, dhuuban, afka gammuun looga daabo, qaansooyinka laga gamo oo loo adeegsado dagaalka iyo ugaarsiga. 2. Nudo dhuudhuuban oo iftiinka qorraxda keena.

gololo [m.dh]
1. Summadda xoolaha lagu dhigo mid ka mid ah. 2. Hadal si wanaagsan loo jeediyey. 3. Dhis qaab qaanso leh oo meel loo dhiso.

jeegaan [m.dh] (-nno, m.dh)
Midabyo dhawr ah oo si is kor saar ah u safan oo qaab qaanso leh oo ku samaysma daruurta marka uu roob da'ayo; qaansaroobaad.

qaan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Nooc kalluunka ka mid ah. 2. Geela intiisa da'da yar oo aan weli curan ama raridda gaarin. 3. (-aaman, m.l), Meesha dhuuban ee daanka.

qaan [m.dh]
Hanti, dhiig iwm oo cid lagu yeesho.

qaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Is q.: xil is qaadid (qof).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg