qaanuun
(m.l) (-nno/qawaaniin, m.dh)

1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. ld qaynuun, qeynuun.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaanuun

algoordan [m.l] (-amo, m.dh)
(xis.) Urur qaanuunno ah oo hagaag u qeexan, loona adeegsado furfirista mas'alad iyada oo la qaadayo tallaabooyin tiradoodu koobantahay.

dembi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Wax kasta oo la sameeyo oo diinta khilaafsan. 2. Wax kasta oo dhaqan ama qaanuun ku xadgudbaaya. ld dambi.

fansaar [m.l]
(xis.) Qaanuun xisaabeed ka dhexeeya laba urur (xaddi), kaas oo, kutirsane kasta oo ka mid ah ururka hore (horaad) uu ku aado kutrisane keliya oo ka mid ah ururka dambe (dambeed).

habdhis-kulan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Qaanuun, bar kasta oo ku taalla dulalaati lagu muujiyo urur tirooyin ah.

jid [m.l] (-dad, m.l)
1. Meel la maro; waddo; dhabbe. 2. Sida quman ee gartu tahay. Tus. “Cali jid buu leeyahay”. 3. Sharci; qaanuun.

nas [m.l]
1. Meesha ugu dhow wax laga nishaabi karo. 2. (dii.) Kitaab, qaanuun iwm oo la qoray hadalkiisa hore oo asalka ah oo ka duwan sharaxa ama waxyaale kale oo gadaal cid kale kaga darto.

qawaaniin [m.dh]
eeg qaanuun.

qaynuun [m.l]
ld qaanuun.

qeynuun [m.l]
ld qaanuun.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg