qaarad
(m.dh) (-do, m.l)

Shanta qaybood ee waaweyn oo dhulku u qaybsan yahay middood.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaarad

waagii barafka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waa jiyoolojiyeed oo baraf gogollo ah iyo baraf weyneyaal ay dabooleen badad badan oo qaaradaha ah, meelaha qaarkoodna barafku wuxuuba gaaray badaha, wuxuuna hoos u dhigay heerkulkii badweyneyaasha.

badweyn [m.dh]
1. Biyo badeed badan, dhul aad u ballaaran ku fadhiya oo adduunka u kala qeybiya qaarado, sida Atlaantigga, Hindiya iwm. 2. Meel badda dhexdeeda ah oo xeebta ka fog.

caarid [m.dh] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Hirar waa tallantaaliga kicitaanka iyo dhicitaanka ee badda dusheeda, kaas oo dhaca ugu dhawaan maalintii labo jeer waxaana sababa cufisjiidadka dayaxa iyo ka qorraxda oo isna si kan yar u sababa. Badweynnada furan, faraqa u dhexeeya heerarka hirarka sare iyo hirarka gaaban wuxuu ka yaryahay 1 m, laakin badaha gunta gaaban ee qaaradaha saaran faraqu wuxuu gaarayaa in ka badan 6 m, gacannada dhuuban ee hirarka leh waxaa dhici karta faraqu inuu gaaro 15 m ama ka badan.

cimilada baddadhexe [m.dh]
(juqr.) Nooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo gobollo kale oo ku kala yaal labada galoobbadh ee adduunka oo u kala dhaca meel juqraafiyeed isku mid ah: goodiyada galbeed ee qaaradaha, cirifyada kulaalayda gobollada cimilada dhexdhexaadka, iyo ugu dhawaan loolka kulaalay la moodda ee cadaadisyada sare inta u dhexaysa 30 ilaa 40 ee loolka waqooyi iyo koonfurba.

cimilo-fidsan [m.dh]
(juqr.) Cimilada gobol cimileed weyn, sida, cimilada tundara, ama bed kale oo weyn sida qaarad, si looga sooco cimilo kooban.

cimilo-qaaradeed [m.dh]
(juqr.) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.

kala-durug-qaaradeed [m.l]
(jool.) Kala sikashada gudubka qaybo ka mid ah qaaradihii hore, kuwaas oo sameeyay dhul-weynaha qaaradaha dunida ee maanta.

khoori [m.l] (-iyo, m.dh)
1. (juqr.) Dhul ballaaran oo biyaha baddu ama kuwa harooyinku ay soo galeen. 2. (juqr.) Liid dhuleed dhuuban oo isku xira laba dhul oo waaweyn, tusaale ahaan: labo dhul qaaradeed oo waaweyn, ama jasiirad-u-eke ku xira dhul-weynaha; tusaale caad waxaa noqon kara qooriga Panama iyo qooriga Suez.

mansuun [m.l] (-no, m.dh)
(juqr.) Eray ka soo askunmay kelmadda carabiga ah ee “mawsim” macnaheeduna yahay “xilli”, carabta ayaana u isticmaasha dabaylo, xilliyeedka ka dhaca Badda Carbeed, kuwaas oo muddo lix bilood ah ka soo dhaca dhanka koonfurta galbeed (KG), lix biloodna ka soo dhaca dhanka woqooyi bari (WB). Imminka guud ahaan waxaa lagu isticmaala dabaylaha jihadoodu xilliyada isla beddesho. Waxay si gaar ah xoog ugu leeyihiin kulaalayaasha dhanka bari ee qaaradaha, laakiin, sidaas oo kale, waxay ka dhacaan kulaalayaasha a bannaanka, maxaa yeelay Bariga Aasiya waxay gaaraan ilaa 60 ee woqooyi.

qaar [m.l] (-rar, m.l)
1. Qayb wax ka mid ah; in, wax, qayb. 2. Jirka nafleyda labadiisa qayb mid ka mid ah. 3. Dhanka dambe. 4. Ardaaga aqalka. 5. Xero yar oo xerada weyn dhexdeeda laga sameeyo oo xoolaha inta caano nuugga ah la geliyo; edeg.

qaar [m.dh] (-ro, m.l)
1. ld qaare. Ul dhumuc weyn leh oo madaxa u buuran oo lagu dagaallamo; huur. 2. Cayaar shaxeed aan la baajin karin kataanteeda. ld

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg