qac
(Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone)

Erey tilmaama shanqar sida shanqarta wax jabay ama labo shay laysku dhuftay ay soo saaraana.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qac

baqacarar [m.l]
Orod dheer oo ay nafleydu sameeyso baqdin awgeed. ld baqacararid.

baqacarar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Cararid baqdin awgeed.

baqacararid [m.f.dh]
eeg baqacarar². ld baqacarar¹.

barqaceli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Waqti barqo ah xoolo si loo maalo guriga dib u keenid.

barqacelin [m.f.dh]
eeg barqaceli. ld barqacelis.

barqacelis [m.l]
ld barqacelin.

malqacad [m.l]
ld macalgad.

qacqac [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Erey tilmaama qababac, jiririq ama liiqliiqasho.

q [m.dh]
(qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka soomaaliga oo shibbane ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg