qad
(m.l)

Labaq., saddexq. iwm: xoolo aan biyo cabbin laba maalmood, saddex maalmood iwm.

qad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

1. Wax la qaybsanayey wax ka waayid. 2. Cuntocunid la'aan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qad

aabayeel [m.l] (-yeelay, -yeshay)
Aabayeel ah: qaddarinta ama tixgelinta cid la siiyo. 2. ld aabayeelid. aabayeelid

aabayeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-yeelay, -yeshay)
U aabayeel: qaddarin ama tixgelin cid siin.

aabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Cid qaddarin ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u habin.

laatiin [m.l]
Far ama af qaddiim ah oo Roomaaniyiintii hore ku dhaqmi jireen.

maalinqad [m.l]
Qadidda xooluhu maalin kaliya biyo ka qadaan.

oodjiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin.

aflaggaaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Hadal qadaf ah oo cid lagu yiraahdo.

aloog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Rabsho, dagaal iwm abuurid. 2. Wax kor u qadiid, taagid.

arsaaqad [m.dh]
ld irsaaqad.

ayodhiin [m.l]
(daaw.) Maaddo kiimikaad oo jirku u baahanyahay qaddar yar si loo gaaro koritaan caafimaad qaba. Jirka qof weyn waxa ku jira 30 mg. oo ayodhiin ah, inta badanna rasin ku tahay qanjirka dhiiqa ee taayroodka.

q [m.dh]
(qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka soomaaliga oo shibbane ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg