qafaal
(m.l)

1. Si xoog ah oo cid loo kaxeeyo si dano laga lahaa loogu fushado. 2. Meel dhir lahayd oo la baneeyo si beer looga dhigto.

qafaal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aalay, -aashay)

1. Cid xoog ku kaxayn si dan laga lahaa loogu fusho. 2. Meel dhir ka bannayn si beer looga dhigo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qafaal

raaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Qoobka hoose ee qanjaafuuluhu ku dahaaranyihiin ee lo'da ama ariga midkood. 2. Olole dad dan gaar ah laga leeyahay oo khasab lagu dumo; qafaal.

madaxfurad [m.l]
1. (-dyo, m.dh) Hanti iwm oo lagu furto qof la qafaalay. 2. ld madaxfurasho.

madaxfuro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Qof la qafaalay hanti ku soo furasho.

qafaalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax la qafaalay ahaansho.

qafaalasho [m.f.dh]
eeg qafaalo.

qafaalid [m.f.dh]
eeg qafaal².

qafaalnaan [m.f.dh]
eeg qafaalan. ld qafaalnaansho.

qafaalnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qafaalnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg