qafil
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Shey bir ka samaysan oo gacan yar oo qoolaaban iyo duleel yar oo uu furaha galo leh, oo faseexadda albaabka, sanduuqa iwm lagu xiro. 2. ld qafilid. 3. quful ¹, qunful¹.

qafil
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ilay, -ishay)

Albaab, sanduuq iwm faseexaddooda qafil ku xirid. ld quful², qunful².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qafil

taangi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Weel bir ah oo baabuurta ku rakiban oo biyaha, baasiinka iwm lagu shubo. 2. Nooc baabuurta qafilan ee dagaalka ka mid ah.

dabbaabad [m.dh] (-do, m.l/-baad, m.dh)
Baabuur qafilan xabbadda candiga ahi aanay karin oo lagu dagaallamo.

dhooli [m.dh] (-iyo, m.l)
1. Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado; wasaasin. 2. Baabuur qafilan oo dad jirran ama dhaawaca ah lagu qaado.

qafilan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax qafil ku xiranyahay ahaansho. ld qufulan, qunfulan.

qafilasho [m.f.dh]
eeg qafilo. ld qufulasho, qunfulasho.

qafilid [m.f.dh]
eeg qafil². ld qafil¹ (2), qafil¹, quful¹, qufulid, qunful.

qafilnaan [m.f.dh]
eeg qafilan. ld qafilnaansho, qufulnaan, qufulnaansho, qunfulnaan.

qafilnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qafilnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg