quwaax
(m.l)

Laan, xidid ama jirrid jilicsan oo leh dhacaan macaan oo la mashiiqsan karo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh quwaax

barooro [m.dh]
1. Quwaaxa masaggada marka uu curdanka yahay ee aan la cuni karin. 2. Meseggo aan sabuulkeedii ku bislaan.

cangub [m.l]
Geed quwaax qodax leh oo dhiddinka u eg.

dheddin [m.l]
Geed quwaax ay dhirindhirka isku bahyihiin, ka baxa dhulka dhagaxa leh oo dhala malmal. ld dhiddin.

falanfalxo [m.dh]
Geed quwaax leh xabag loo isticmaalo wax udginta. ld falaanfalax, falaanfalxo.

falaxfalax [m.l]
1. Geed quwaax faleenka ka mid ah oo leh beeyo marka la shido udgoon. 2. Beeyada laga guro geedka falaxfalaxa. 3. Qof firfircoon. 4. Qof bilicsan.

findhicil [m.l]
1. Geed quwaax dhuux adag oo leh laamo gaagaaban, qodxo dhaadheer, caleemo yaryar iyo asal. 2. Cunto la cunayo wax yar oo kaga hara ilkaha dhexdooda. 3. (-illo, m.dh) Qori yar oo cuntada ilkaha dhexdooda ku harta looga saaro.

geedquwaax [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Geedka qasabk.

hadi [m.l]
Geed quwaax xabag udgoon oo laga ganacsado leh.

kabrarro [m.dh]
Geed quwaax gaaban, xagarka u eg oo leh asal wanaagsan. ld gabrar.

malmal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Geed quwaax dhala, xabag ur leh oo daawo loo isticmaalo. 2. Xabagta geedka malmalka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg