quwad
(m.dh) (-do, m.l)

ld quwo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh quwad

dacas [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-say, -stay)
1. (f.g) Cid kabo dacas ah la dhicid. 2. (f.mg) Baabuur quwadjabid.

gaashaandhig [m.l]
1. Quwadda dal u qaabbilsan in ay ka difaacdo cadowga dibadda. 2. ld gaashaandhigid.

isticmaar [m.l] (-rro, m.dh)
(siyaa.) Hab waddan quwad lehi uu ku xukumo waddan kale aan awood lahayn, isaga oo isticmaalaya kheyraadkiisa, si uu u kordhiyo awooddiisa.

koronto [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qeyb cilmiga fisikada ka mid ah oo isku dhaf ah oo loo yaqaan danab, loona isticmaalo quwad dhalin sida guryo ifinta, karinta, waraabka iwm. 2. Danabka lafteeda.

loollan [m.l] (-nno, m.dh)
Dagaal ama tartan laba quwadood oo iska soo horjeeda ka dhexeeya.

quwee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -weysay)
Wax quwad u yeelid.

quwo [m.dh]
Xoog; itaal; tabar. ld quwad.

tartan [m.l] (-ammo/-anno, m.dh)
(baay.) Isdhexgal ka dhex dhaca laba ama in ka badan oo noole, tiro dad ama jinsiyo, kuwaas oo wadaaga ilo degaameed. Marka ilaha wax laga helayaa yaraadaan. Tartanku waa quwad muhiim ah marka laga hadlayo tadawurka. Tus. “Dhirtu way dheeraadaan si ay ugu tartamaan ilayska qorraxda”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg