ra'yi
(m.l)

(aaraa', m.dh) Figradda qof leeyahay ee uu ku cabbiro ujeeddooyin-kiisa. ld ra'li.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ra'yi

raac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid. waddoqaadid

tacliiq [m.l] (-qyo, m.dh)
Faahfaahin laga bixiyo arrin, ra'yi iwm.

aaraa' [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg ra'yi.

akid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Cid ra'yigeeda ku raacid. 2. War hore loo sheegay xogtiisa sugid.

aydiyaalism [m.l]
(fals.) Hab fikradeed oo ku saabsan in ra'yigu uu yahay waxa keliya ee la rumaysanyahay, oo lagu ogaan karo wax kasta.

dheggan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax meel ku naban ahaansho. 2. Ku dh.: aad ugu mintidid (diin, ra'yi iwm).

dhinacyee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yaysay)
1. Wax socda hal dhan ka marid. 2. Ra'yigiisa bedbeddelid (qof).

diyaaleetiko [m.dh]
Xeeladda fekerka iyo ra'yi isdhaafsiga. ld diyaalegtiko.

dood [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Arrin lagu muransanyahay oo la rabo in lagu gun gaaro ra'yi ka jeedin.

ijtihaad [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin oo ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay lagu meel-mariyo. 2. Dadaal badan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg