raaci
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax socda wax kale ku darid. 2. Xoolo cid ilaalisa u yeelid. 3. Habaar ama duco cid ku larid. ld raacsii. raacsii

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raaci

aaddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid meel ku toosin; ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid. aadi, aadsii

ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.

taabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Cid raacid. 2. Socod dheereyn ku jirto socosho.

raacid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raac. raac

raacin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raaci. ld raacis, raacsiin. raaci, raacis, raacsiin

raacis [m.l]
ld raacin. raacin

raaciyad [m.dh]
ld raaciye. raaciye

raaciye [m.l]
1. Dad waddan ku wada nool inta maamulka haysa mooyaane inta kale oo la xukumo; shacbi. 2. Dad inta aan ciidan ahayn; rayid. ld raaciyad. raaciyad, rayid, shacbi

haah [qr]
Qurub tilmaama oggolaansho ama wax ku raacid. ld haa, haaheeyo, hahey. haa, haaheeyo, hahey

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg