raaco
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-cday, -catay)

1. Qof hantidiisa ama dantiisa daryeelasho. 2. Qof cilmi diineed barasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raaco

ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.

kaadi dhiigow [m.l]
Kaadida oo dhiig soo raaco.

raacasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raaco. raaco

baabuurraac [m.l]
Lacag yar oo lagu bixiyo in gaadiid lagu raaco.

ul [m.dh] (-lo, m.l)
1. (-lo, m.l) Qori dhuuban, geedaha laga goosto oo loo qaato in laysku daafaco ama xoolaha lagu raaco. 2. Lo'tiradeedu boqol (100) gaartay. 3. Tiro lo'ah oo gaar isula soofta.

ummulraaco [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-cday, -catay)
ld ummulraac².

wadaal [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
1. W. ah: la socoshada neef labi neef dheddig oo orgeysan raaco ama ka hari waayo. 2. Xoolo tirsan oo gooni loo wado.

dhabar-garaaco [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-cday, -catay)
Gabar la guursanayo xoog kula bixid. ld duud-garaaco.

diraaco [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-cday, -catay)
ld diraacso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg