raacsan
(Fal Gudbe4 | Verb Transitive4) (-naa, -nayd)

1. Ku r.: qof, cid kale la fikrad ahaansho. 2. Wax meel ama wax kale ka tirsan ahaansho. 3. Wax wax kale ku dhinac samaysan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raacsan

raacsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raacsan. ld raacsa-naansho.

raacsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld raacsanaan.

waafaqsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
Wax, wax kale raacsan ahaansho.

xambali [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Nin rumaysan ama raacsan mad-habta Xambali. 2. Afarta mad-hab ee diinta islaamku u qaybsan tahay middood.

bolshofiik [m.l]
(siyaa.) Hab siyaasadeed iyo fikrad uu Lenin iyo kuwii raacsanaa ay keeneen dalka Ruushka kacaankii Ruushka kaddib 1917.

buddi [m.l] (-iyiin, m.dh)
(dii.) Qof raacsan diinta loo yaqaan buddiyadda.

dhexdhexaad [m.l]
1. Bartame. 2. Dh. ah: dherer, da', culays iwm oo aan yaraan iyo weynaan midna raacsanayn.

khilaafsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax, wax kale ka duwan ahaansho. 2. Arrin iwm waxaan raacsaneyn ahaansho.

ra'yulcaam [m.l]
Figrad dadka intiisa badani isku raacsantahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg