raad
(m.l) (-dad, m.l)

1. Astaanta waxa soconayaa cagtoodu dhulka ku reebto. 2. Calaamad ka harta wax hore u jiray. 3. Xusuus aan qofku illaawi karin.

Dheeraadsiin*

waa darajo sare oo dhaqan wanaagsan ah oo Allah ku galadaysto qof: Fadiilo


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raad ↴

baabba' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day; -bbi'i)
1. Wax ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iwm. oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad dhibaato leh ku sugnaan.

baabbi'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax ciribtirid. 2. Raad, calaamad iwm oo meel ku yaal tirtirid. Tus. “Rooble ayaa wixii sabuuradda ku qornaa baabbi'iyay”. 3. Sharci burin. 4. Sharaf awood iwm ee qof leeyahay waxyeeleyn.

raacdayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Nafley cayrsasho. 2. Wax raadsasho.

raacdee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
1. Nafley daba ordid. 2. Xoolo lumay raadin. 3. Nafley meel ka cayrin.

raacdo [m.dh]
Qof wax lumay raadintooda ku hawlan.

baadiddoon [m.l]
1. B. ah: cid baadi luntay raadinaysa. 2. ld baadiddoonid. baadiddoonid

baadiddoon [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Raadin wax lumay la raadiyo. 2. Baadi raadin. ld baadiggoob². baadiggoob

baadiggef [m.l]
Waayidda la waayo baadi la raadiyey. ld baadiggefid. baadiggefid

baadiggef [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Baadi la raadiyey waayid.

haar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Raadka nabar ama dhaawac bogsooday ku reebo oogada. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Taag, buur gaaban. taag, buur, gaaban

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg