raadar
(m.l) (-rro, m.dh)

(fiis.) Qalab dareema meesha iyo jihada socodka ee walxo meel fog maraya sida maraakiibta iyo dayaara-daha, waxana qiyaasta laga qaataa dhudaha birlabdanabeedka soo noqday, kaddib mar-kii ay abbaareen walaxda socotay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raadar

raadaar [m.l] (-rro, m.dh)
ld raadar.

dhud [m.dh]
(fiis.) Fallaadho ileys oo u socda si urursan. Waxa ay ka koobnaan kartaa saxaro (sida, dhud elektaroon) ama kaahin birlab danabeed (sida, hud raadar).

elegtroonig [m.l]
Habab kala duwan oo ay adeegsadaan aaladaha elegtaroonka ku shaqeeya sida raadarada, telefeeshinnada, combiyuutarka iwm. ld eletaaroonig, eletroonig.

raad [m.l] (-dad, m.l)
1. Astaanta waxa soconayaa cagtoodu dhulka ku reebto. 2. Calaamad ka harta wax hore u jiray. 3. Xusuus aan qofku illaawi karin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg