raadi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax raadkiisa doonid. 2. Wax maqan meesha uu ku suganyahay doonid. 3. Wax baarid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raadi ↴
raacdee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
1. Nafley daba ordid. 2. Xoolo lumay raadin. 3. Nafley meel ka cayrin.
raacdo [m.dh]
Qof wax lumay raadintooda ku hawlan.
baadiddoon [m.l]
1. B. ah: cid baadi luntay raadinaysa. 2. ld baadiddoonid. baadiddoonid
baadiddoon [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Raadin wax lumay la raadiyo. 2. Baadi raadin. ld baadiggoob². baadiggoob
baadiggef [m.l]
Waayidda la waayo baadi la raadiyey. ld baadiggefid. baadiggefid
baadiggef [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Baadi la raadiyey waayid.
idaacad [m.dh] (-dyo, m.l)
Warka raadiyaha ama TVga laga sii daayo. ld idaaco. idaaco
raadgooyo [m.dh]
Hab loo raadiyo xoolaha dhuma ama wixii kaloo la raadinayo.
raadin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raadi. ld raadis.