raadiye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)1. Qalab elek-taroon ah oo wararka dira lagana baahiyo. 2. Saldhigga wararka laga diro. ld raadi-yow.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raadiye ↴
baadiggef [m.l]
Waayidda la waayo baadi la raadiyey. ld baadiggefid. baadiggefid
baadiggef [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Baadi la raadiyey waayid.
raadiyow [m.l]
ld raadiye.
taar [m.l] (-rar, m.l)
1. War farriin kooban oo nooc raadiyeyaasha ka mid ah lagu diro. 2. Silig wax lagu oodo. 3. (muus.) Daf afar geesle ah.
baqtii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Nafley, nafta ka goyn. 2. Nal, raadiye, dab iwm damin. 3. Nafley xannaano darreyn. 4. Xoolo, ugaar iwm oo nafbaxaya gawrici waayid. ld bakhtii, bakhtiiji, baqtiiji.
dimoqraadiyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
Nidaam dimoqraaddi ka dhigid. ld dimuqraadiyee.
dimuqraadiyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yeysay)
ld dimoqraadiyee.
dimuqraadiyeyn [m.dh]
ld dimoqraadiyeyn.
shid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Dab iwm hurin. 2. Nal, raadiye iwm daarid.
raadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax raadkiisa doonid. 2. Wax maqan meesha uu ku suganyahay doonid. 3. Wax baarid.