raadso
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-saday, -satay)1. Wax maqan daydayasho (qof). 2. Wax meel lagu ogaa ka doonasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raadso ↴
raadsasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raadso. ld raadsi.
furaadso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Carruur furaad ku xambaarasho.
garaadso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Da'wax lagu fahmi karo gaarid. ld garaadays.
ilqooraadso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Si ilqooraad ah wax u eegid.
muraadso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Soo m.: muraad qunsasho; danaysasho.
raad [m.l] (-dad, m.l)
1. Astaanta waxa soconayaa cagtoodu dhulka ku reebto. 2. Calaamad ka harta wax hore u jiray. 3. Xusuus aan qofku illaawi karin.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg