raaf
(m.l) (-faf, m.l)1. Qoobka hoose ee qanjaafuuluhu ku dahaaranyihiin ee lo'da ama ariga midkood. 2. Olole dad dan gaar ah laga leeyahay oo khasab lagu dumo; qafaal.
raaf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)1. Nafley xasuuqid. 2. Dad khasab ku ururin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raaf ↴
faago [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. (f.g) Dibi jixinaya raaf dhul ku jiidid. 2. (f.g) Dhul hoos u qodid. 3. (f.mg) Ka f.: in yar ka
fogaasho.
ictiraaf [m.l]
Aqoonsi, cid wanaaggeeda loo aqoonsado. aqoonsi
ictiraaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Cid wanaaggeeda aqoonsasho.
ictiraafid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ictiraaf². ictiraaf
ictiraafsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax, wax wanaaggiisa aqoonsaday ahaansho (qof).
ictiraafsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ictiraafsan. ld ictiraafsanaansho. ictiraafsan, ictiraafsanaansho
ictiraafsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld ictiraafsanaan. ictiraafsanaan
jaaw [m.l]
Cudur ariga raafafka ka gala oo dillaaciya nabarna ka reeba. ld jaawqarreer¹, jaawqarrir.
jaawqarrer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Cudur raafka gala oo dillaacyo u yeela gaadid (ari).