raalli
(m.l)1. R. ah: qof faraxsan oo aan waxba tebeyn. 2. R. ah: qof aan arrin diid-daneyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raalli ↴
naajax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -jixi)
1. Midho ama arrin wax bislaaday noqosho. 2. Hanti badan yeelasho. 3. Arrin raalli ka noqosho.
naajaxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax bisil ahaansho. 2. Wax dhinac kasta ka raalli ah ahaansho.
raalliggeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid wax ay raalli ku noqoto u sameyn.
raalliggelin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raalliggeli.
raalliggelin [m.dh]
Ficil aad qofka ku siinaysid, waxa uu rabo si uusan wax kuu yeelin ama kaaga xumaan.
raallinimo [m.dh]
Qof wax ka raalli ah ahaansho.
raalliyad [m.dh]
ld raalliyo.
raalliyanimo [m.dh]
Raalliyo ahaansho.
raalliyo [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
R. ah: haweenay ninkeeda u dhego nugul ah. ld raalliyad.