raan
(m.dh) (-aamo, m.l)1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbi-reed ama cutubcutub miro ahi ka laal-laadaan.
baraan*
inanta boqorku dhalo
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Mayeeraan*
Dhallaanka ama ilmaha aadka u yar ee aan wili hadaaq baranin
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raan ↴
raabacad [m.dh]
Cayaar turub (dabaka-eri)marka saddex raani baxdo tan afaraad ee harta.
Faraanti [m.l]
Fargashi. ld Fargal.
eeraan [m.l]
1. Socod ama orod badan. 2. Ee. ah: nooc geela ka mid ah oo dhaadheer.
haaraan [m.l]
1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. ld haaraamid. haaraamid
haaraan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
1. Ku h.: eed aan sal lahayn cid u jeedin. 2. Cid ceebeyn.
jaaraan [m.l]
ld jiiraan.
laandheeraan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laandheer. ld laandheeraansho, laandheeri.
laandheeraansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld laandheeraan.
nabaraan [m.l] (-nno, m.l)
Libaax badeed madow oo halis ah. ld neberoon.
qaaraan [m.l] (-nno/-ammo, m.dh)
Xoolo dad badan laga uruursho oo qof u baahan la siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah lagu fuliyo ama si kale oo samafal ah loo bixiyo.