raaran
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rmay, -rantay)

Wax la raaray noqosho.

raaran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

Wax meel sare saaran ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raaran

raarmid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raaran¹.

raarnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raaran². ld raar-naansho.

heeraaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax heeraar loo yeelay ahaansho (gabar). 2. Ood iwm meel ku wareegsan.

taqraaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
ld tiqraa-ran.

tiqraaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la tiqraaray ahaansho. ld taqraarqan.

raar [m.l] (-rar, m.l)
1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iwm oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iwm. 3. Qoryo, dhagxaan iwm oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.

raar [m.dh]
1. Guriga gudihiisa qaybta dambe ee saabaanka muhiimka ah la dhigto. 2. Sariir qoryo ka samaysan.

raar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax meel sare saarid. 2. Raar dhisid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg