rabin
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)eeg rabi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rabin ↴
laablaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax fidsanaa duudduubid. 2. Arrin aan fuliddeeda la rabin ka warwareegid. ld laallaab². laallaab
bahardaac [m.l]
Fadhi kala daadsanaan leh oo aan la rabin in dhaqso meel looga kaco.
bashiisho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-shaday, -shatay)
1. Si lamafilaan ah ugu dhalid meel aan la rabin (neef). 2. Arrin sidii loo qorsheeyey si ka duwan u dhicid.
kirtan [m.l]
Dhaqdhaqaaqa ay xooluhu sameyaan marka uu jirkoodu taabto waxaysan rabin. ld kirtamid.
kirtan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Xoolo jirkooda waxaysan rabin taabteen kadaalliyid.
miidaamo [Magac Dheddig | Noun Feminine]
1. Wax aan la rabin oo meel uusan ka soo nabad noqonayn loo diro. 2. Nabar aan loo meel deyin oo la rido. 3. ld miidaan². 4. ld miidaamin.
muddaahinee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
Arrin aan la rabin in durba la fuliyo, dibudhig, meermeeris iyo hadal macaan ku wadid. ld muddaahanee.
neceb [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-cbaa, -cbayd/-ebcaa, -ebcayd)
Wax aan la rabin kashasho.
sibqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qaday, -qatay)
Ku s.: wax afka ku jira iyagoo aan la rabin in la liqo hunguriga ku roorid.
rab [m.l]
Qarka meesha ugu sarreysa oo aan la fuuli karin.
rab [m.dh]
Meel; kob.
rab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax niyadda ka jeclaysasho.