rahan
(m.l)

Cagaar badan oo ka baxa meel roob ku da'ay.

rahan
(m.dh)

ld rahaamad¹.

rahan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-hmay, -hantay; -hmi)

1. Hanti curaar ahaan u dhiibid. 2. Arrin ka hadalkeeda dib u dhigid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rahan

curaar [m.dh]
1. Hanti laga sii hayo cid wax amaahatay; rahan. 2. Cid xoog lagu haysto, si haystayaashu wax gaar ah ugu helaan.

rahaamad [m.dh] (-do, m.l)
Hanti laga sii hayo cid wax amaahatay. ld rahan².

rahaamad [m.dh] (-do, m.l)
(dhaq.) Lacag, dahab, guri ama dhul rahan ahaan loo dhigo marka bangi ama cid kale laga qaadanayo dayn. Haddii deynqaatuhu bixin waayo lacagta uu qaatay amaah-bixiyaha waxaa, si sharci ahaan lagu wareejinayaa rahaamadda.

rahaamado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-atay, -adatay)
Hanti rahan ahaan u dhiibasho.

rahmid [m.f.dh]
eeg rahan³.

rahmo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-maday, -matay)
Wax rahan ahaan u dhiibasho.

rah [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(c.nafl.) Berribiyood aan lahayn dabo, leh laba lugood oo ka dhaadheer kuwa hore, boodboodka ku socda, marka uu biyo ku dhex jirana sameeya dhawaaq badan, xubno cad oo adagna qawlallada ku yeesha. ld rake.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg