rakaab
(m.l) (-byo, m.dh)

1. Bir ka lalmata kooraha labadiisa dhinac midkood. 2. Qoryo ceelasha afkooda lagu sameeyo si loogu shubo ama loogu galo. 3. Dad gaadiid raacay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rakaab

bas [m.l]
1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku dhammaaday oo dambas noqday.

dayuurad [m.dh] (-do, m.l)
Gaadiid hawada mara, rakaabka iyo xamuulka qaada, jaad ka mid ahna lagu dagaallamo. ld dayaarad, diyaarad.

gaarifaras [m.l] (-syo, m.dh)
Gaadiid rakaab fuula oo faras jiida.

halabso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax ordaya fuulid. 2. Faras fuulid iyadoo aan rakaabka cagta la saarin.

handuul [m.l] (-llo, m.dh)
1. Sariir yar oo ilmaha lagu lulo. 2. Naxash. 3. Sariir doomaha derbiyadooda ku dheggan oo ay seexdaan rakaabka qaarkood.

nooli [m.l]
Lacagta baabuurta, maraakiibta, iyo dayaaraduhu ka qaataan dadka iyo xamuulka ay rakaabsadaan. ld nool.

rakaabsad [m.l]
ld rakaabsasho.

rakaabsasho [m.f.dh]
eeg rakaabso. ld rakaabsad, rakaabsi.

rakaabsi [m.l]
ld rakaabsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg