riyo
(m.dh) (-ooyin, m.l)Wax qofku hurddada ku arko.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh riyo ↴
aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan
aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan
ooriyo [m.dh]
Hanti ganaax ahaan looga qaado nin mehersaday gabadh nin kale u dooneyd.
afariyotobnaad [m.l]
Habeenka dayaxu ugu iftiinka badanyahay oo bishu afar iyo tobanka tahay.
alalad [m.l]
1. Riyo; dhadhab. 2. Qaraw. 3. ld alaladid.
ari [m.l]
Nooc ka mid ah meesiyada la dhaqdo, ku dhala shan bilood, had iyo jeer la nool xaaska oo ka kooban riyo iyo ido. ld eri¹ (1).
aroori [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Xoolo oomman meel biyo leh u kaxayn. 2. Hoos u dhigid. 3. Qof hurda riyo wax ku tusid; qof seexin. 4. Wax wax kale ku libdhin.
boqor [m.l] (-rro, m.dh)
1. Nin madax u ah tol ama qaran oo xakunkiisu dhaxaltooyo yahay. 2. Maro dhuuban, dheer, qurux badan, dacallada bul ku leh oo haweenku dhexda ku xirtaan. 3. B. ah: neef riyo ah oo dhexda midab ku leh.
borookaariyootig [m.l] (-gyo, m.dh)
(baay.) Noole walxaha hiddo-sidaha aanay ku xidhnayn bu'da unugga.
caariyo [m.dh]
Shay cidi ergato si ay muddo ugu soo dhaqanto.