rog
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

1. Wax afka ama dhinaca korreeya u hoos marin; genbiyid; geddiyid. 2. Ka r.: ka qaadid; ka faydid. 3. Ka r.: alaab meel saaran ka dejin; ka wareejin. 4. Ku r.: ku daboolid; korka ka saarid; ku xirid. 5. Dib ugu laabid. 6. U r.: af af kale ku fasirid, ku tarjiumid. 7. Xoolo jaho foolkoodu aaddanaa jaho kale u jeedin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rog

laab [m.l] (-bab, m.l)
1. Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey. 2. Meel leexsan; luuq; jiiro. luuq, jiiro

jaanrog [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Cararid.

jaanrogid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaanrog.

jabbu [m.l]
(muus.) Durbaan laba af ka daloola oo harag xallafsan ku rogan.

kaalsiyam haydarogsaydh [m.l]
eeg kaal-siyam.

maalin dayaxeed [m.dh] (-lmo ..., m.l)
(c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.

oodrogasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oodrogo. ld oodgeddisasho.

oodrogo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
Meel degalowday meel u dhow uga guurid. ld oodgeddiso.

qaalaamarogad [m.l]
ld qaalmarrogasho.

qaalaamarrogasho [m.dh]
ld qaalmarrogasho.

r [m.dh]
(ra') Xarafka toban iyo toddobaad ee xuruufta af soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg