rogaal
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Faras ama rakuub aad u jarabaran. 2. U soo dabbaalidda meesha laga ugaarsanayo loo soo dabbaalo ugaar. 3. R. ah: nooc kooraha geela ka mid ah oo labada dacal ee afkeedu kor u taaganyahay. 4. Badinta qoraal lagu badiyo jikolostiil.

rogaal
(m.l)

(xis.) Tirada hal oo loo qaybiyey tiro ama tibaax kale. Tussale ahaan, rogaalka 2 waa 1/2; rogaalka x2 + 1 waa 1/x2 + 1 . Taranka tibaax kasta iyo rogaalkeeda waa hal.

rogaal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-aalay, -aashay)

1. ld rogaalcelin. 2. Beer carrageddiyid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rogaal

xaddiditaanka PH [m.l]
(xis.) Logaridamka sal 10 ee rogaalka ribnaanta ayoonnada hayda-rojiinta ku jirta milan.

dabradduul [m.l]
Duullaan rogaalcelis ah oo cid dhowaan la dhacay lagu sameeyo.

dabree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
Ku d.: cid hore loogu duulay ku rogaal celin.

dabro [m.dh]
1. Geed nagaar dhulka ku faalada, laamo dhuudhuuban oo jilicsan leh, xooluhu daaqaan oo dooxooyinka ka baxa. 2. (-ooyin, m.l) Weerar rogaal celis ah.

gudbitaan-danabeed [m.l]
(fiis.) Rogaalka caabbitaanka (lammaanaha caabbiga P) ee walax. Waxa lagu cabbiraa saymen (S) halkii oom (S/omega). Gudbin danabeed (mdh.): maritaanka saldanab dhexmaro walax (gudbiye), marka ay badad danab saamayso walaxdaasi.

rogaalceli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Col meel uu weeraray mar kale ku noqosho.

rogaalcelin [m.f.dh]
eeg rogaalceli. ld rogaal³ (1), rogaalcelis.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg