rogan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gmay, -gantay)

1. Wax dhankii hooseen lahaa sareeyo noqosho. 2. Sidiisii hore wax ka duwan noqosho. 3. Fure hal mar sakatuuro ku wareegid. 4. Reer ama dad tirtirmid. 5. Ka r.: meel biyo ka dulundulcoobid.

rogan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gnaa, -gnayd)

1. Wax dhiniiciisa hoose la sarraysiiyay ahaansho. 2. Wax gaadiid laga dejiyay ahaansho (rar). 3. Wax isteensal lagu badiyay ahaansho (qoraal). 4. Ku r.: wax, wax kale ku gambisan ahaansho. 5. Ka r.: wax meel agteeda ku sugan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rogan

jabbu [m.l]
(muus.) Durbaan laba af ka daloola oo harag xallafsan ku rogan.

xajiin [m.l]
Geed yar oo leh caleemo xaadi ku rogantahay iyo dhacaan cuncun deran ku reeba wixii uu taabto.

xamil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Haragga indhaha ku rogan oo dhawra. 2. Rar; qaad. 3. Daah sumalka caloosha lagaga xiro, si uusan idaha u saaran. 4. ld xamli.

afrogan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Weel la afrogay ahaansho.

asiidh-cabirid [m.dh]
(kiim.) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.

bad [m.dh] (-do, m.l)
1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da gabayga: baabka gabayga.

baraar [m.dh]
Neef lo'ah oo leh geeso labada dhinac u kala rogan; sheexo.

birre [m.l]
1. Miiqyo dhuudhuuban, cawska fiidiisa ka baxa oo markay qallalaan wax mudi kara. 2. Qolofka badarka qaarkii sida bariiska ku rogan.

caroofi [m.l]
C. ah: neef geel ah, lixaad weyn, sanqaroor rogan leh.

carrogan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Haan ama dhiil la culay biyo ama caano wax carka looga dhaqay ahaansho.

rog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax afka ama dhinaca korreeya u hoos marin; genbiyid; geddiyid. 2. Ka r.: ka qaadid; ka faydid. 3. Ka r.: alaab meel saaran ka dejin; ka wareejin. 4. Ku r.: ku daboolid; korka ka saarid; ku xirid. 5. Dib ugu laabid. 6. U r.: af af kale ku fasirid, ku tarjiumid. 7. Xoolo jaho foolkoodu aaddanaa jaho kale u jeedin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg