roon
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Cid aan dhibaato qabin ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh roon

doorroone [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Qof aad u wanaagsan.

duddumagale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Naasley dabaggaallaha la bah ah, laakiin wax yar ka roon, koox koox u socda, oo duddumooyinka gala; kadabjiir.

elegtroonig [m.l]
Habab kala duwan oo ay adeegsadaan aaladaha elegtaroonka ku shaqeeya sida raadarada, telefeeshinnada, combiyuutarka iwm. ld eletaaroonig, eletroonig.

elektaroon [m.l] (-nno, m.dh)
(fiis.) Saxar saleed sita saldanab tabaneed.

elektaroon-kaaftoon [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-nno, m.dh)
(kiim.) Elektaroon dibedeedka atamka ee ka qayb gala samaynta dabarrada kiimikaad.

eletaaroonig [m.l]
ld elegtroonig.

eletroonig [m.l]
ld elegtroonig.

garoon [m.l] (-nno, m.dh)
Barxad weyn, bannaan oo siman. Tus. “G.ka kubbadda; g.ka dayuuradaha.

garoon [m.dh]
Neef lo'ama riyo ah oo aan geeso lahayn; seeny.

garoon [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-may, -ntay)
1. Dhul geedo ka dhammayn. 2. Madax timo ka murxi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg