rooti
(m.l)

Cunto ka samaysan bur cajiiman, khamiir iyo waxyaalo kale oo marka la jarjaro foorno lagu dubto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rooti

badrad [m.dh] (-do, m.l)
1. Kibir iyo aabi badan. 2. Saxan dheer oo bir ka samaysan oo rootiga lagu safo marka la dubayo.

borootiin [m.l] (-nno, m.dh)
(baay.) Dheef asaasi u ah caafimaadka, jirdhiska oo laga helo cunnada la quuto qaar ka mid ah..

bur [m.l]
1. Budo cad oo rootiga, malawaxa iwm laga samaysto. 2. Taag ciid. 3. Cad yar (ciid, soor, sonkor iwm). 4. Hal geed oo caws ah oo bahalladda yaryar galaan. 5. Abur; xoor.

caarooti [m.l]
1. Cir cusub oo daruurihiisa biya ka buuxaan. 2. Meseggo, galley iwm oo sabuul saartay. 3. ld caarootiyid.

caarooti [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Biyo meel ku faafid.

caarootiyid [m.f.dh]
eeg caarooti². ld caarooti¹ (3).

carooti [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Cir, daruuro biyo ka buuxaan yeelasho.

dibirrooti [m.l]
ld dibir.

dibirrooti [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Legdin si xoog leh dhulka qof ugu dhufasho.

dibirrootiyid [m.f.dh]
eeg dibirrooti².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg