rooxaan
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Jinniyo la aaminsan yahay inay u shaqeeyaan wadaaddada qaarkood. ld ruuxaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rooxaan

yabaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Ka y.: cid mingis, rooxaan iwm ka muddeyn (ka tumid).

jaan [m.l]
Uun rooxaan ah oo aan aadamuhu arki karin; jinni.

uuman [m.l]
1. Jin, rooxaan. 2. ld uun¹.

aw-daare [m.l]
Ciyaar leh sida mingiska, rooxaan dadka ku soo degta; degaanka webiyada ayaana laga yaqaanaa; mokhoddon; gunjis.

dabayl [m.dh] (-lo, m.l)
1. Hawo xoog leh oo dhan u socota. 2. Xanfar; siigo. 3. Rooxaan ama jinniyo la aaminsanyahay in dadka ay marto ku reebto suuxdin ama xubinno qallal. 4. Dhanka dabayshu ka socoto. 5. ld dabeyl.

fiqibburaale [m.l]
Nooc rooxaanta dadka ku dhacda ka mid ah.

mingis [Magac Lab | Noun Masculine]
1. (dii.) Rooxaan ama jin la rumaysanyahay in uu dadka cudur geliyo. 2. Cudur dadka ku dhaca oo la aamminsanyahay inuu ka yimaado rooxaanta (mingiska). 3. Cayaar jiib, jaan iyo durbaan leh oo loo tumo qofka jirrada mingiska qaba.

ruuxaan [m.dh]
ld rooxaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg