rugo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-gtay, -gatay)

Ku r.: wax ku xoqasho (nafley).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rugo

urugo [m.dh]
Uurkutaallo; tiiraanyo; caloolxumo.

urugoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Tiiraanyo dareemid.

urugood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg urugoo.

codkac [m.l]
(c.af) Cod dheer oo ku dul dhaca hal shaqal oo ka mid ah ereyga; codkacu rugo kala duwan ayuu ereyada uga dhacaa, taasna waxay keentaa in lagu kala saaro ereyo micnahooda, siiba kuwa qoraalkoodu isku midka yahay, sida “ìnan” (oo wiil ah) iyo “inàn” (oo gabar ah).

murugo [m.dh] (-ooyin, m.l)
ld murug² (1).

murugo [m.dh]
(c.naf.) Xaalad maskaxeed oo qofku aad u qalbi xunyahay. Dhaqdhaqaaqu wuxuu noqon karaa mid kacsan oo aan xasillooneyn ama mid gaabiya oo an firfircooneyn. Dabeecadda qofka waxa ka muuqata rajobeel iyo beelosheeg. Hurdada, cuntada iyo fakarkaba oo xumaada.

murugoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Murugo dareemid. ld murgoo.

murugood [m.f.dh]
eeg murugoo. ld murgood.

rugasho [m.f.dh]
eeg rugo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg