rux
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xay, -xday)

1. Haan caano ku jiraan lulid si subag looga dhaliyo. 2. Wax gilgilid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rux

haadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati. haati

waayee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Ilmo si uu u seexdo ruxid.

babbo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-baday, -batay)
Wax dabayl xooggan oo dhacaysa awgeed aad u ruxasho.

balafbalafsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Faruuryaha ka b.: biyodiid awgiisa faruuryaha la ruxid.

buluqbuluqlee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-qeeyay, -qeysay)
Hilibka saaran nafley aad u cayishay ruxasho.

caanarrux [m.l]
ld caanallul².

caanarruxato [m.dh] (-ooyin, m.l)
ld caanallul².

calanwallee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
1. Calan ruxid. 2. Muddo barwaaqo iyo rayrayn ku noolaasho.

dhegadhabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
Dhegaha daaman ku garaacid iyaga oo madaxa ruxaya (xoolo, ugaar, dugaag iwm).

furux [m.l]
Kalagoosyada oogada oo lafuhu iska galaan midkood.

r [m.dh]
(ra') Xarafka toban iyo toddobaad ee xuruufta af soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg