ruxan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xmay, -xantay)

Wax la ruxay noqosho (laan geed, haan caano ku jiraan iwm). ld ruxmo.

ruxan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-xnaa, -xnayd)

Haan caano ku jiraan wax la ruxay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ruxan

geesacarro [m.dh]
Neef leh geeso aan jirriddooda lafta madaxa haysan oo marka la taabto ruxanayaa.

ruxmid [m.f.dh]
eeg ruxan¹. ld ruxmasho.

ruxmo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-maday, -matay)
ld ruxan¹.

ruxnaan [m.f.dh]
eeg ruxan². ld ruxnaansho.

rux [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
1. Haan caano ku jiraan lulid si subag looga dhaliyo. 2. Wax gilgilid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg