saabley
(m.dh) (-yo, m.l)

Jirka dadka inta xudunta ka korreysa luquntana ka hoosaysa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saabley

ooddin [m.dh]
Xanuun saableyda qabta oo ka dhasha jug, dabayl xoog leh ama muruqo go'.

oof [m.dh]
1. Saableyda dadka labadeeda dhinac midkood. 2. Xanuun daran oo saableyda ku dhaca.

oofwareen [m.l] (-nno, m.dh)
Cudur qufac iyo xummad leh oo saableyda dadka ku dhaca.

qaaxo [m.dh]
1. Dhiska ka samaysan feeraha iyo lafdhabarta iyo waxa ku guda jira (oogada nafleyda); saab, saabley. 2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo ku dhaca sida badan sambabada; feero sanbab.

arkaniida [m.l]
(baay.) Dir ka tirsan artaraboodhaha berriga ku nool kana kooban ilaa 5.000 oo sinji oo ay ka mid yihiin caarada, dabaqallooca, shilinta iyo aboorka. Jidhka arkaniiduhu wuxuu u qaybsamaa qayb hore oo loo yaqaanno madax saabley iyo qayb dambe oo loo yaqaan ubuc.

eyddin [m.dh] (-imo, m.l)
1. Xanuun daran oo saableyda wareema; oof. 2. Noocyada geela mid ka mid ah. 3. Meesha qodaxdu muddo nabar ka samaysan. 4. Tolliin gacmeed ka horreeya tolliinka harqaanka.

gadoob [m.l] (-byo, m.dh)
1. Saabley. 2. Qaybta dambe ee lafdhabarta. 3. Weel aan buuxin.

isle'eg-saabley [m.dh] (-gyo ..., m.dh)
(xis.) Isle'eg tibxaale oo jibbaarkeeda ugu sarreeya ee doorsoomaha uu yahay darajada labaad. Sansaanka guud ee isle'eg saabley ah ee dorsoomaha x waa: ax+ bx + c = 0, taas oo a, b iyo c ay yihiin madoorsoomeyaal.

takoore [m.l]
(xis.)Tibixda (b2-4ac) ee isle'eg saabley ee leh sansaanka ax2+bx+c=0. Haddii xididdada isle'egtu ay isle'egyihiin, takooraha waa eber. Tusaale ahaan, isle'egta x2-4x-6=0, b2-4ac=25 xididdaduna waa 2 iyo -3. Haddii takooruhu yahay tabane, xididdada isle'egtu waa tirooyin murakab ah. Tusaale ahaan, isle'egta x2+x+1=0 waxa ay leedahay xididdada [-1/2-(V3/2)]i iyo [-1+(V3/2)]i.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg