saafid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg saaf². ld saaf¹ (2). saafid

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saafid

saaf [m.l]
1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey. 2. ld saafid.

saafid-tireed [m.dh]
1. (xis.) Barashada habab xisaabin ee leh seebid. 2. (xis.) Barashada tabaha seebidda ee loo isticmaalo aritmatig marka la furfurayo mas'alooyin xisaabeed.

saafid-kolorimitrieed [m.dh]
(fiis.) Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.

asiidh-cabirid [m.dh]
(kiim.) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.

falgalkeene [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Iskudhis la falgala mid kale (oo ah ka la danaynayo). Ereygan, f., waxa badanaaba lagu isticmaalaa kiimikallada shaybaarka ee caadiga ah sida: naatriyam haydarogsaydh, haydarokoloorig asiidh, iwm ee loo adeegsado tijaabada iyo saafidda.

gef [m.l] (-faf/-fef, m.l)
1. (fiis.) Cabbiraadda ama qiyaasta aan la hubin ee xaddi. Tusaale ahaan, kulbeeg meerkari ah badanaaba waxa suurtaggal ah in heerkulka laga akhriyo darajada ugu dhow.. (xis.) Marka laga hadlayo saafid tireed gefafku waa laba nooc: a) g. duubid: jawab tireed aan sugnayn ee ku soo baxda xisaabinta; b) Gefaf la jare ah: waxa ay la xiriiraan xadad lagama maarmaan ah ee ku jira sugnida see.

jeegaanbeeg-cuf [m.l] (-gyo ..., m.dh)
(fiis.) Qalab loo isticmaalo soo saaridda iyo saafidda ayoonno neef ah iyadoo la fiirinayo saamiga ay isuyihiin saldanabka ayoonnada iyo cufkoodu.

midabsawir-saafid [m.l]
(kiim.) Xeelad lagu kala sooco ama lagu saafo iskujirrada kakan. Dhawr xeeladood oo la xiriira habkan ayaa jira, kuwa ugu muhiimsanina waa: midabsawir saafid dhuumeed, midabsawir saafid warqadeed, midabsawir saafidda lakabka dhuuban, midabsawir saafid neefeed iyo midabsawir saafidda isweydaarinta ayooneed.

mitimiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(kiim.) Dhuun quraarad ah oo leh heerar cabbir oo lagu qiyaaso mugga hoor ka shubmaya iyada marka la furo xubin qasabad ah oo ku samaysan. Waxa lagu isticmaalaa habka saafid muggeedka.

saaf [m.l]
1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey. 2. ld saafid.

saaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Hilib jiir ah balballaarin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg