saalo
(m.dh)

Saxaro kuuskuusan oo geela, ariga iyo ugaarta qaarkeed dhigaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saalo

saaloo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Geel, ari iyo ugaarta qaarkeed saalo dhigid.

saalood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg saloo.

xambus [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Jajab qoryo ama saalo.

afarrey [m.l] (-yo, m.l)
1. Tix maanso ah oo dhowr beyd ka kooban. 2. Afar hog oo labada iska soo horjeedda ay yaallaan dhagxaan isku nooc ah, hog shanaad oo maran ama saalo taalna u dhexeeya (shax).

dhisaalo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aashay, -aalatay)
Dhisaal sameysasho (qof).

digo [m.dh]
1. Saalo. 2. Saalo burburtay oo badan.

laylo [m.dh]
Ciyaar carruurtu ku dheesha dhagxaan quruurux ah, saalo geel iwm oo ku jirta laba iyo toban god oo laba labo isaga soo horjeeda; godadow.

qasaalo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aashay, -aalatay)
Dhar mayrasho.

risaalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Sharci diini ah oo Alle u soo dejiyo in dadku ku dhaqmaan Ilaahna ku caabudaan. 2. Dhambaal. ld risaalad.

saa [Falkaab | Adverb]
1. Armaa, billaa, sow. 2. Sida tan.

saa [Xiriiriye | Conjunction]
1. Markaas; haddaba. 2. Maxaa-yeelay, waxay kunoqotay, sabab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg