saamayn
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg saamee. ld saamays.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saamayn

saamays [m.l]
ld saamayn.

afwebi [m.l] (-afwebi, m.l)
(juqr.) Halka webiga iyo baddu iska galaan, halkaas oo saamaynta mawjaddu ay ka muuqato, isla markaasna ah halka biyaha webiga ee macaan iyo biyaha baddu iskaga darsoomaan.

cimilo-badeed [m.l]
(juqr.) Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu,taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta.

cimilo-kooban [m.dh]
(c.cimi.) Cimilada bed aad u kooban, waxaa suurtaggal ah inuu yahay degaan yar oo la deggan yahay. Degaankaas waxaa raad ku leh saamayn meeleedka aad u kooban, waxyaabaha saamaynta keenayana waxaa ka mid ah rugta, carrada, degaanka iwm taasina waxay badanaa muhiim u tahay barashada cilmiga degaanka.

cimilo-qaaradeed [m.dh]
(juqr.) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.

habso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Si aan habsamayn u fariisasho. 2. Ku h.: abaar, cudur iwm si cid u saamayn. Tus. “Abaar baa dalka ku habsatay”.

hoomiyostaasis [m.l]
(daaw.) Sugidda xaaladaha joogtada ah ee gudaha noolaha, taas oo u oggolaanaysa unugyada inay si wanaagsan u shaqeeyaan, iyaga oo anay saamaynin isbeddel kasta oo ka dhaca degaanka dibadda ee noolaha.

lafajebin [m.dh]
Hadal saamayn weyn leh oo sharafta iyo shaqsiyadda qofka dhaawaca.

lugleh [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lahaa, -lahayd)
Ku l.: saamayn ku leh, la xiriira.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg