saamee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-meeyay, -maysay)

1. Wax raad ku reebid. 2. Wax cid khuseyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saamee

saamayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saamee. ld saamays.

taalaasemiiya [m.dh]
(daaw.) Cudur dhiigga ku dhaca oo la iska dhaxlo, kuna badan dalalka badda dhexe, Eeshiya iyo Afrika; waxaan caadi ahayn qaybta borotiinka ee heemogolobiinka. Unugyada cascas ee cudurku saameeyo caadi uma shaqeyn karaan, waana burburaan, taas oo keeneysa dhiig yari.

afweyn-holac [m.l]
(daaw.) Halaamacood lafta afweynta ee ka muuqata dhegta dabadeeda oo saameeya gododka laftaas (air space)la xiriiriya godka dhegta dhexe.

cilmiga cimilada [m.l]
Sayniska barashada cimilooyinka dunida iyo sida ay u saameeyaan dunida degaanka dabiiciga ah.

feleg [m.l]
1. Cilmi al f.: xiddigaha wareeggooda iyo sida ay dadka u saameeyaan. 2. Xiddig weyn. 3. (-gyo, m.dh) Ayaandarro, dhibaato, hoog, masiibo. ld falag.

juqraafiga dadka [m.l]
(juqr.) Barashada juquraafiga dabeecaddu sida uu u saameeyo nolosha iyo tacabka dadka iyo juquraafi dhaqameedku sida uu u saameeyo dabeecadda.

karjinooma [m.l]
(daaw.) Kansar walba oo ka dhasha sooha ebiteliyamka oo saameeya maqaarka iyo uurkujirtada.

madduul [m.l]
Madow uu qaacu ku reebo meelaha uu saameeyo. ld maduul.

maqaalad [m.dh] (-do, m.l)
Qoraal mawduuc saameeyo oo lagu soo daabaco joornaal ama majallad. ld maqaal, maqaalo.

saam [m.l]
Kaltanka heeganka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg