saami
(m.l) (-iyo, m.dh)

1. Wax la qaybsaday inta qof walba gooni u helo. 2. Hantida qof kaga qaybgalo shirkad beecmushtari. 3. Xiriir ka dhexeeya laba tiro-xisaabeed. ld sahmi¹

saami
(m.l) (iyo, m.dh)

(xis.) Saamiga laba xaddi ama laba walax xisaabeed A iyo B waa qaybta ma jajabka labada xaddi A/B oo loo qoro A : B. 5. Tiro ama xaddi loo qaybiyey mid kale. Saamiga laba xaddi oo doorsoomeyaal ah x iyo y, oo loo qoro x/y ama x : y, waa madoorsome addooy saa-migal u tahay x.

saami
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-iyay, -iday; -iyi)

Wax sida loo kala leeyahay u qaybin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saami

caabbin [m.l (fiis.)]
Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).

saamiggal [m.l] (-llo, m.dh)
(xis.) Isgarabdhigidda laba ama dhawr saami. Haddii, tusaale ahaan, a, b, c ay yihiin saddex tiro oo ay a:b:c = 2:3:5, warkaa a/2, b/3, c/5 waxa la yiraahdaa waxa ay saamiggal u yihiin 2, 3, 5, xiriirkuna waxa loo muujin karaa a=b=c. Sidaa oo kale, waxa aan oran karna a:b = 2:3, b:c = 3:5, iyo a:c = 2:5.

saamile [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof dad badan wax ka dhexeeya saami ku leh. ld sahmile.

saamiley [m.dh]
Naag wax dad badan ka dhexeeya saami ku leh.

saamisuge [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
1. Qof meel xoolo lagu saanyanayo yimid oo in wax la siiyo sugaya. 2. Qof mashaqayste ah oo mar walba in wax la taro sugaya.

saamixid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saamax².

saamiyid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saami². ld saanyid.

saa [Falkaab | Adverb]
1. Armaa, billaa, sow. 2. Sida tan.

saa [Xiriiriye | Conjunction]
1. Markaas; haddaba. 2. Maxaa-yeelay, waxay kunoqotay, sabab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg